ERITREA IYO MAANTA

Waddanka Eritrea wuxuu madaxbannaanidiisa ka qaatay waddanka Ethiopia 1991 oo ku beegnayd markii dowladdii dhexe ee Soomaaliya burburtay iyo weliba markii Jabhaddii Tigray la wareegtay dalka Ethiopia. Eritrea waxay xuduud la leedahay Suudaan, Ethiopia, iyo Jabouti. Dhinaca badda casna waxay xuduud kala leedahay Sucuudiga iyo Yamen. Tirada dadku waa ilaa 6ml. 47% waa Islaam aan siyaasadda loo oggolayn iyo inay diintooda kaliya xataa xor unoqdaan. 39% Christian Orthodox, inta kalana badankoodu waa madaahibta kale ee Christianka marka laga reebo qaar yar oo aan diinba haysan. Siyaasadda dalka lagu hoggaamiyaa waa (Totalitarianism) oo ah marka hal xisbi dalka ka taliyo kaasoo leh hal hoggaamiye, kuna haysta xukunka awood. Wuxuu kaloo isticmaalaa boolis qarsoon kuwaasoo loogu talo galay argagax galinta shacabka. Dhaqaalaha iyo isgaargaarsiintuba waxay si buuxda ugu jiraan gacanta dowladda). Muddo 27 sano ah dalka waxaa madaxweyne ka ah Asias Afwerk, oo aan ku imaan doorasho e...