ERITREA IYO MAANTA
Waddanka Eritrea wuxuu madaxbannaanidiisa ka qaatay waddanka Ethiopia 1991 oo ku beegnayd markii dowladdii dhexe ee Soomaaliya burburtay iyo weliba markii Jabhaddii Tigray la wareegtay dalka Ethiopia. Eritrea waxay xuduud la leedahay Suudaan, Ethiopia, iyo Jabouti. Dhinaca badda casna waxay xuduud kala leedahay Sucuudiga iyo Yamen.
Tirada dadku waa ilaa 6ml. 47% waa Islaam aan siyaasadda loo oggolayn iyo inay diintooda kaliya xataa xor unoqdaan. 39% Christian Orthodox, inta kalana badankoodu waa madaahibta kale ee Christianka marka laga reebo qaar yar oo aan diinba haysan.
Siyaasadda dalka lagu hoggaamiyaa waa (Totalitarianism) oo ah marka hal xisbi dalka ka taliyo kaasoo leh hal hoggaamiye, kuna haysta xukunka awood. Wuxuu kaloo isticmaalaa boolis qarsoon kuwaasoo loogu talo galay argagax galinta shacabka. Dhaqaalaha iyo isgaargaarsiintuba waxay si buuxda ugu jiraan gacanta dowladda).
Muddo 27 sano ah dalka waxaa madaxweyne ka ah Asias Afwerk, oo aan ku imaan doorasho ee ahaa hoggaamiyihii Jabhaddii xorriyadda usoo dirirtay. Waxaa lagu tilmaamaa dadka reer Eritrea shucuub ku hoos nool dowlad ka mida dowladda ugu cadaadiska badan shacabkooda.
2016kii Hay’adda Xuquuqda Aadanuhu waxay soo saartay warbixin ay ku caddaysay in dowladdu ku tillaabsatay xadgudubyo ka dhan ah banii’aadamnimada. Dowladdu wax tixgalin ah ma siiso shuruucda dalka u yaal dadkuna ma haystaan wax xorriyad ah. Dhalinyarada reer Eritrea waa dadka ugu tahriibka badan Africa, sababta ugu wayni waa xorriyad la,aanta iyo iyadoo ay Khasab tahay qof kastaa inuu ciidan noqdo.
Ma jiro wax sharci ah oo xaddidaya Madaxweynuha. Waddanku malahan Baarlamaan lagasoo bilaabo ilaa 2002. Dhammaan maxkamadaha waxaa gacanta ku haya Xukuumadda umana madax bannaana xukunnada ay soo saasarayaan. Bulshadu dowladda waxba ma waydiin karto. Ma jiraan hay’ado maxalli ah oo laga oggol yahay dalka. Dowladdu iyadaa iska leh dhammaan war baahinta, waxayna wada xirtay kuwii khaaska loo lahaa oo dhan, iyo shaqaalahoodiiba.
Eritrea waxay ka mid ahayd Ethiopia intii aan Soomaaliya burburin, sidaa awgeed ma jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeyay Soomaaliya iyo Eritrea. Wixii ka horeeyay sannadkaan dowladihii Soomaliya isaga danbeeyay xiriir lama lahayn Eritrea.
Madaxweyne Farmaajo ayaa bilaabay in Eritrea lala samaysto xiriir, wuxuuna udooday in cunaqabaytaynta hubka laga qaado waana laga qaaday, wakhti Soomaliya lafteeda ay cunaqabatayn taas la mid ahi saran tahay. Arintaasi waxay ka kalsooni darro ku ridday Jabouti oo isu arkaysay inay naga xigto Eritrea, dad ahaan, diin ahaan, iyo dan ahaanba.
Eritrea waxay haysataa dhul iyo maxaabiis ay Jabouti ka qabsatay. Jabouti waxay filaysay Madaxweyne Farmaajo kala hadli doono Eritrea nabadaynta labada dal iyo sidii howshaas loo xallin lahaa, arintaasina ma dhicin.
Haddaba waxaa is waydiin leh Soomaaliya ma iyadaa dooratay inay Eritrea xiriir la samaysato mise qorshaha cid kalaa ka danbaysa? Muxuu yahay faa,iidada ku jirta in Jabouti la go,doomiyo oo cadowgeedii soo jireenka ahaa hubkuu ku gumaadi lahaa loo fasaxo? Jabouti waa dad Soomaaliyeed, ciidankoodii baa soomaliya ku dhimanaya iyagoo nabadda ka shaqaynaya. Halka Eritrea ay taageeri jirtay kooxaha ay Jabouti inaga difaacayso.
Ugu danbayn halkaas waxaa ka cad inaan Soomaaliya lahayn aragti la daraasadeeyay oo ku wajahan Siyaasadda Arimaha Dibadda. Waana midda keenaysa in lakala garan waayo cadowga iyo saaxiibka Soomaliya. Mase la oran karaa Afawerk wuxuu ku tacliiminayaa Madaxweyne Farmaajo sidii uu uqaadan lahaa nidaamka (Totalitarianism) kaasoo Afawek kusoo caano maalay.
Marka dib loo eego sida xukuumadda Soomaaliya ay isaga indho tirayso shuruucda dalka uyaal waad mooddaa in casharro badan Eritrea lagaga dayday, kuwo cusubna laga qaadan doono inta uu joogo Afawerk Villa Soomaliaya.
Qalinka: Hon. Sulaiman Mohamud Hashi
Url: Honsulaiman.blogspot.com
Comments
Post a Comment